Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan iyo Farmaajo oo Kawada Hadlay Munaasabadda Xilwareejinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, labada mas’uul ayaa kawada hadalay dhowr arrin.

Kulanka ayaa  waxay si gaar ah ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga dalka, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada munaasabadda xil-wareejinta Madaxweynaha, taas dhowaan caasimadda dhaci doonta.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa afar sano kadib xilka kula kala wareegaya madaxtooyada, waxaana sanadkii 2017-kii Xasan xilka uu ku wareejiyay Farmaajo, halka 2022 Farmaajo uu xilka ku wareejinayo madaxweynihii goobta kusoo dhoweeyay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this