AYOUB Posted February 26, 2008 It's 3 years since the old man passed away (AUN) and this book (a bio by his daughter) has some of the wonderful poetry he left behind and what inspired them. This one was intended for young Somali men in 1950s Cardif but it's even more appropriate for the young guns of today. Dhallinyaro Dhalinyaro intaad taa aduun dhaqasho yeeshaaye Marhaday cirradu kugu dhigto oo madaxa dhoobayso Oo dhabarku duubmo oo xaglaha socodku dhiiceeyo Oo ay ilkuhu kaa dhacaan xooggu dhaqayawye Dhaxdin hadaad ku tahay meel habeen dhoof u saro jooga Dantaadaa la dhawrtaaye wax kale looma dheelmado e Dhaaxe e sidii la ii warramay waad is dhigateene Dhamacadaa dabka ah iyo shooladaha dhiiga kala hoorsha Dhibta lacagta lagu soo helee dhiigga lagu daadshay Waa dhoy la’aan maanta ood dumar u dhiibtaane Waar waa dhuuni doon naagahaa idin dhaweeyaaye Hadba jeebku tuu dhiman yahaa timid dhexdiinaase Afka dhiig la moodiyo wajiga dheeha lagu duugay Dhab kama aha"my darling" iyo dhoosha qaawaniye Hadba dhaxanta waxa kaa cesha iyo dharabka mooyaane Dharkan qaaliga ahi maanta waa idinku dheeraade Dhaxalkiina siday leeyihiin dhace aduunkiiye Dhashiina iyo xoogii marbay wada dhamaysteene Dhullkiinii ilawdiyo dadkii aad ka dhalateene Waar waa laydin dhawrayaa sidii dhamac kaliileede Dhabaday istaagaan sidii dhaan la raagsadaye. Dhallinyaro ~ 1951 Yuusuf X Aadan Cilmi Qabille Quote Share this post Link to post Share on other sites