Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ahayd sababta musharaxiintu codka ugu shubeen Xasan Sheekh?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa raggii ka qaybgalay tartankii dooorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta musharaxiintu u taageereen Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in Midowga Musharaxiinta ay horay ugu heshiiyeen in musharaxa ugu codka bata doorashada ay taageerto inta kale, sidaas darteed ay codka ugu shubeen Xasan Sheekh.

“Heshiisku wuxuu ahaa qof alaale iyo qof anaga (Midowga Musharaxiinta) naga mid ah ee tartanka ku hormara in isaga la taageero, saas baa keentay markaan Teendhada joognay in Xasan Sheekh la taageero..taas waxay meesha ka saaraysaa hadal dad isla dhexwareegayaan oo ah qabiil iyo deegaan baa la isku taageeray” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadlkan ka jeediyay kulan uu xalay la qaatay taageerayaashii ka qaybqaatay ololihiisii doorashada.

PUNTLAND POST

The post Maxay ahayd sababta musharaxiintu codka ugu shubeen Xasan Sheekh? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this