Sign in to follow this  
Deeq A.

Guusha Xasan Sheekh Oo Soo Afjartay Saameyntii Iyo Awooddii Afwerki Ee Geeska Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay soo afjarto awooddii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee Geeska Afrika.

Afwerki ayaa 2018-kii wuxuu heshiis saddex geesood ah oo amni la galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysal wasaaraha Ethiopia Abi Ahmed Ali.

Heshiiskaas oo markii hore xogtiisa la qariyey ayaa waxaa xilli dambe soo baxday in ujeedkiisu ahaa weerarkii lagu qaaday gobolka Tigray ee Ethiopia, halkaasi oo ay maamulaan kooxda cadaawadu ka dhaxeyso Afwerki ee TPLF, si Abiy loogu qabto.

Waxaa sidoo kale ku jiray in Itoobiyaanka iyo Eraitrean-ka ay Farmaajo ka taageeraan inuu qabsado Soomaaliya, hase yeeshee waxaa taas fashiliyey iska caabintii ciidanka Badbaado Qaran iyo guuldarradii uu Abiy kala kulmay Tigray-ga.

Weerarka uu Abiy ku qaaday gobolka, ayaa waxaa sidoo kale la ogaaday inay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee uu Farmaajo tababarka ugu diray Asmara.

Omar Mahmood, oo ah khabiirka ururka xasaradaha caalamiga ah ee ICG u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskaas uu hadda yahay “mid ka kooban kaliya laba dhinac” marka uu ugu wanaagsan yahay, haddiiba aanu dhiman.

“Inkasta oo Hasan Sheekh aanu dooneyn inuu fogeeyo Eritrea, haddana waxaan ku raacsanahay in Isaias uu lumiyey saaxiib uu ku lahaa Muqdisho,” ayuu yidhi Tobias Hagmann oo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Roskilde University ee dalka Denmark.

“Xulufada Eritrea mar walba wa kuwo fursad gaad ah oo cimri gaaban, waxaana Afwerki uu mar horeba billaabay inuu xidhiidh la yeesho Amxaarada Ethiopia ee dagaalka kula jiray Tigrayga tan iyo bishii November ee 2020,” ayuu yidhi Hagmann.

Guuldarrada Farmaajo ayaa waxaa soo dhaweeyey Kenya oo ay marar badan isku dhaceen maamulkiisa.

Mehari Taddele Maru, oo ah taxliiliye ka tirsan Jaamacadda European University Institute ee magaalada Florence ee Talyaaniga ayaa u arka doorashada Xasan Sheekh mid “guul weyn u ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika” oo xiisad lagu geliyey heshiiska saddex geesoodka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Xasan Sheekh ugu hambalyeeyey guushiisa, wuxuuna sheegay inuu xiiseynayo inuu kala shaqeeyo danta labada dal iyo tan gobolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this