Sign in to follow this  
Deeq A.

Basaasiinta Shiinaha oo loo haysto inay xog ka ururiyeen mucaaradkooda ku sugan Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
031a0000-0aff-0242-64f8-08da390a83ad_w10

Muwaadin Mareykan ah iyo afar sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Amniga ee Shiinaha ayaa lagu eedeeyay inay ku lug yeesheen basaasnimo iyo shirqool loo maleegay in lagu aamuusiiyo mucaaradka ka dhanka ah Shiinaha ee ku sugan gudaha dalka Maraykanka, sida ay shaacisay waaxda caddaaladda ee Mareykanka.

Eedeymo aan faahfaahin badan laga bixinin oo loo gudbiyey maxkamad federaali ah oo ku taalla magaalada New York, ayaa lagu sheegay in Shujun Wang oo ku nool magaalada New York oo ah muwaadin haysta dhalashada Maraykanka, in lagu eedeeyeey inuu la shaqeeyey sirdoonka dalka Shiinaha.

Eedaynta ayaa lagu sheegay in Wang oo 73 jir ahi inuu macluumaadka sirta ah la wadaagayey afar sarkaal oo ka risan wasaaradda arrimaha gudaha ee Shiinaha oo kala ah Feng He, Jie Ji, Ming Li iyo Keqing Lu. Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in raggani ay ahaayeen cidda u qaabilsan inay xogaha ka ururiso Wang.

Xeer Ilaaliyaha kiiskan gacanta ku haya oo lagu magcaabo Breon Peace oo ku sugan New York ayaa sheegay in eedaymahan ay muujinayaan oo ay daaha ka faydayaan hawlgal ay wadeen (Shiinuhu) oo khatar ku ah badbaadada iyo xoriyada muwaadiniinta Shiinaha ee degan Maraykanka, sababo la xidhiidha waxa ay aaminsan yihiin dimuqraadiyadda iyo hadalka.

PUNTLAND POST

The post Basaasiinta Shiinaha oo loo haysto inay xog ka ururiyeen mucaaradkooda ku sugan Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this