AYOUB Posted February 1, 2008 Quus waa gabay duco iyo sagootis iskugu jira oo Marxuum Xasan Sh.Muumin munaasibada Aaskiisa ku beegan Jan-26-2008 : kana hadlaya qiimaha uu Abwaanku umada soomaaliyeed ku dhex lahaa iyo sida loogu boholyoobi doono suugaantiisii qaniga ahayd. Wuxu yidhi Qabribaa la geeyey naftii, qaadan laadahaye Qalinbaa murtida sii qorqori, amase sii qeexi Ama qalad'la'aan loo qorshayn, oo lawada quudi Ama qoran haween qiimaheed ,qadaf la'aan sheegi Ama qaranka soomaaliyeed, calanka loo qaadi Ama diinta qiimaha lihiyo, qaayo lagu sheegi Ama dibida beeraha qodiyo, qoodi lagu beeri Ama qaylo dhaantiyo ergadu, erayo sii qaybi Ama qaaci cuudkiyo la tumi heelo qalabaysan Ama qiiro taariikh la qoray, ubadka loo sheegi Ama hooyo qaydkii ilmaha, dhinicu qaylaamey Hal-abuur qiyaastii u tumi, qaafadiyo luuqda Nimaan quus ahayn baa sugiyo, qaafiloo kale e Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin Sida geed quwaaxoo guntiyo, baarku qolafaystey Qarnigii la joogaba ninbaa ,qaayo loo taga e Maantana abwaan qiimaleh, ayaa qaw ka sii dhacaye Qalalaase mooyee dadkii way qabdhamayaane Qorshohoodiibaa lumay qorfaha waakuwaa galaye Qaadanwaa ayaa nagu dhacay ,waa qisiyo yaabe Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin) Suugaanta qaayaha lahayd ,ee la wada quudo Murti qaniya qaamuus la qoray ,oo qam lagu siiyey Qurubaa ka hadhay faaraxow ,sida qiyaastiiye Qarkii kale qabuurbay gashiyo ,ciid qabow badane Qaxii ugu darnaa baa ku dhacay, qoomamiyo hooge Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin Qanjiidhada intaa sii hadhaan ,qeexi tamartey e Qaynuunka suugaanta iyo, qalinka loo qaato Deelqaafka sugaan gashaa ,qiimaheed dhacaye Qushigeeda baa dilay ,murtidii qarada weynayde Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin Iga qabo markay gaadhay ee, heeso lagu qaaday Ee qoobciyaar ay gashaan ,quustey caliyowe Ragii sida quraan ruugi jiray ,way qawadayaane Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin) Qamarkeedii wuu fuuraraa ,oo qalwuu galaye Hayeeshee wixii kaa qaldamay ,waa la qariyaaye Ninka gabayga qooqiisu helay, aanse qalad eegin Qarnigani aan joogniyo wakhtigu ,haw qaw tiriyeene Maxay qaylo dhaantari qabriga, qawlad lagu oodye Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin Inkastuu dadwada qayliyey, qaaradaha joogi Qaxwahaagu goortii uu go'o ,qaadirkaa garane Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin) Qawlkii Alleen kuu akhriyey ,qooqarkiyo qoortu Wali way qadhqadhayaan sidaan, qoyey cir,roobaade Qadaadkay maroorsamay qalbigu qawshaduu wadaye Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin Qoyskii intii kaa hadhiyo, anigan quus jooga Qaraabada wixii sheegta iyo, ruux qareen socoda Iyo qowmka soo wada kacee, qaaradaha jooga Qudradiisa Eebaa hayoon, cidi ku qoolayne Inuu qayb janada kaa dejay ,quudarayn waliye Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin Anaguna qaneecaad Alliyo, samirka qaybtiisa Inuu quud Ilaah nooga dhigo ,quusashaa tidhiye Qormadii farshaxankiyo hidaha, qarada loo yeelay Ee qaadir uu kugu galaday ,way qalootamiye Qanci maayo bay tidhi walee ,quusna kaba dheere Sideen ugu qarsheegaa ,taladan qaadi kariwaaye??? Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin Dugsiyada quraankiyo cilmiga,qowlka laga doonto Sheekooyinkaagi qudhii baratey waw quuse Dhalaankii qisay raadiyaan qaranjab weeyaane Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin Ninjacaly la qoolaabay wuxuu ,qariyey soo tuurye Qufac iyo jacayl lama qarshoo, qayrkibuu helaye Markuu qalanjadii uu jeclaa ,qiro wanaageeda Isha qalacsigeediyo ,markuu quudo arageeda Waa inuu qufaa hadalka, uu qabax ka siiyaaye Waa inuu qaraamida yidhaa erayo qaarkoode Sida qaanso robeed haduu ,qorin amaanteeda Qushuuc waa ka xaraan inuu, qadaw la aadaaye Isagana qaleelbaa ku dhacay, wuu qandhanayaaye Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin) Qarankani gumaysigu qoqobay ,ee midiba qaw joogo Anoon qolana sheegayn hadana qawdu wada gaadhay Ee magaca qaarkii ka tagay qaybta yari raacday Iyo kuwa ragii qiilka waday ,qoorta laga gooyey Haween qaawisbaa dhacay axmaar qooqaybaa yimide Qadoodiga dhalaankii qabriga ,lala duljoogaaye Intii kale qaxootey tageen ,qawlad lagu oodye Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin) Qoyskii intii kaa hadhiyo, anigan quus jooga Qaraabada wixii sheegta iyo, ruux qareen socoda Iyo qowmka soo wada kacee, qaaradaha jooga Qudradiisa Eebaa hayoon, cidi ku qoolayne Inuu qayb janada kaa dejay ,quudarayn waliye Qudha laguma waaree qabriga ,nuur hakuu galo e (Amiin) Abwaan: Mohamoud Abdilahi Roble salac.com saylacnews@yahoo.com Last Updated ( Jan 31, 2008 at 12:14 AM Quote Share this post Link to post Share on other sites
Koora-Tuunshe Posted February 1, 2008 Ayoub: waa gabay qiime leh oo dhaxal gal ah. Halkaan maanso ayaa kasoo qabtey oo uu tiriyey abwaan Lagjar uu u tiriyey ALaha u naxariistee Abwaan Xassan Sh. Muumin. Dhahar: Abwaan Xassan Shiikh Muumin wuxuu ka mid ahaa abwaanadii waaweynaa oo ka qeyb qaatey qoristii afsoomaliga sida; Abwaan Siciid Saalax Axmed, Abwaan Cabdulle Raage, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc, Prof. Abwaan Axmed Nuur Aw-Yuusuf, Abwaan Cismaan Aadan Askari, iyo kuwa kaloo badan… Abwaan Xassan Sheekh Muumin oo ah Abwaan Qaran alaha u naxiistee ayaa wuxuu ku geeriyoodey tobaadkan dalka Norway. Abwaanka alaha u naxariistee ayaa wuxuu ahaa aqoonyahan ka mid ah macalimiintii dalka Soomaaliya ilaa iyo heerka Jaamacada, wuxuu kaloo macalin ka ahaa kooxda Iftin. Abwaanka ayaa ahaa nin ay umada Soomaaliyeed jecleyd shaqsiyadiisa iyo wadanimada muga weyn uu caanka ku haa. Lama soo koobi karo heesaha iyo ruwaayadaha abwaanka alaha u naxariistee uu uga tegey umada Soomaaliyeed iyo xikmada ay huwanaayeen, kuwaasoo ahaa kuwo dhaxal gal ah. Hadii aan kasoo qaato waxyar oo aan waligood duugoobin, jiilka maantana ay ku hadal qabtsadaan suugaanta, tixda iyo tiraabka, macnaha iyo miisaan ay huwanaayeen ayaa waxaa ka mid ah: Ruwaayadii: Shabeel naagood Ruwaayadii: Caku naag madow, cidlaa ka roon Heestii caan baxdey ee ahayd “Waxaan nahay waadiga dugsiyada” Maxamed Mooge Liibaan “Maskaxdii dunidoo malaasan, muujadaheeda” Xassan Aadan “Haye Fudud” Axmed Cali Cigaal iyo Hiba Nuura Waxaa maanta aan la xiriirey Abwaan, Suugaanyahan ka mid ah Suugaanyahanada Soomaaliyeed: Cabdulaahi Lagjar oo halkaan tacsi tiiraanya leh uga diraaya ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Abwaan Xassan Shiikh Muumin. Wuxuu kaloo Abwaan Cabdulaahi Lagjar u hibeynayaa Abwaan Xassan Shiikh Muumin Maanso hal ku dhigeedu yahay Dhisme Culus. Sidaan ayay ku bilaabatey: Markii geesi dhimashadu Dharaartiisa noqetee Halgamaa la dhigo iil Runta lama dhasiigee Suugaanta dhummucda leh Abwaan dhaabadeeyoo Dhaxal reebay weeyaan Af-Soomaali dhaladkii Dhihistiyo qoraalkii Dhulka hooyo ka hirgalay Dharaartii la qorayee Afka lagu dhawaaqaa Nin waliba dhankiisii Dhiiri-galin abuuroo Abwaanadii dhexjoogiyo Aqoonyahanki dhiidhiyey Alif la kor dhabey Alif la hoos dhabey Waw lagu dheeb Markii uu SICIID dhahay (Abwaan Siciid Saalax) Xassan Muumin dhinicii Isna macalin dhirin-dhiri Mid kalena bal dheehoo Bulshada ka dhaadhicin Wuxuu dhihitin sii yiri Qalinkaaga ii dhiib Erayada aan kuu dhigee Maba aad dhug-dhugatide (a, e, i, o, u: AA, EE, II, OO, UU) Waa hadal dhameysoo Lagu dhaafay jahligoo Loo dhega nuglaadayee Baal dahab halagu dhigo Midna waxaad ku dhaqantaa Kugu dhiiri galiyayee Dhisme culus ku magacaw Ama laami dhaadheer Abwaan Xassan Shiikh Muumuin: Alaha u naxariisto Waxaa diyaariyey Saalax Nuur Saalax (Doonyaale) Dhahar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted February 1, 2008 Koora-Tuunshe: Abwaan Xassan Shiikh Muumin wuxuu ka mid ahaa abwaanadii waaweynaa oo ka qeyb qaatey qoristii afsoomaliga ... He will also be remembered as a freedom figher, teacher, broadcaster, poet, playright, researcher, historian, activist, fund-raiser, etc etc A tribute to Hassan Sheikh Mumin By: Bashir Goth Taariikhda qarada weyn, Afkeenii ka qatanaa. Qaayaha u leeyahay, Dunida ka qarsoonaa. Qorraxbaa u soo baxdoo, Mugdigii ku qoofalnaa, Daahii ka qaaddee. Qumaati uga bogoo Afkii qalaad ha moodin Carrabku qaldi maayee Sidii caanaa qudhqudhiya - - - - - - - - - - Maamulka hoygan, (hoygasuugaanta.com)wuxuu halkan tacsi uga diraynaa eheladii, asxaabtii, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedba, geeridii ku timi Abwaan Xasan Sh Muumin. Eebbe ha u naxariisto. Aamiin, Aamiin, Aamiin, Aamiin. Geeri'eey xishoodlaay Xejiyaay fogeeyaay Xaasha'e aftahannimo Hadii uu xabaal galay Xeel-dheereheedii Abwaankii xiddigin jiray Murtidii xag loo dayo Xulashada ahayd iyo Xarragada higaadii Ayaa xarafkii hoos dhebi? ..........Gaarriye "In Africa, When an old man dies, it is like a library burning to the ground" - Leopold Senghor Xasan Sh. Mumin (AUN) was one great library. Quote Share this post Link to post Share on other sites