Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Ciidamada DF oo howlgal culus ka sameeyey Muqdisho + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ballaaran oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi, waxaana horkacayey taliyaha saldhigga, Cabdullahi Xasan Cali.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid ka dhan ah kooxaha ciyaal weerarada ee inta badan dhibaatooyinka ka geysta gudaha magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay taliyaha baaritaanadan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo la’isugu geeyey hal goob, halkaas oo uu kula hadlay taliyuhu.

“Naftaada bad-baadi, annaga na bad-baadi, deegaanka bad-baadi, ha noqon caasi waalideyn intaas ayaa noo ballan ah,” ayuu yiri taliyaha Booliska Warta Nabadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in howlgalkan uu qayb ka ahaa ka hortagga kooxaha burcadda ee xilliyada habeenkii ah dhaca u geysta dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka ku dhaqan degmada Warta Nabadda ee go wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidanka dowladda ayaa xoojiyey howlgallada lagu sugayo amniga Muqdisho, maadaama ay marti-gelisay doorashadii Madaxweynaha ee Afisyoone.

The post Daawo: Ciidamada DF oo howlgal culus ka sameeyey Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this