Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Khudbadii Gudoomiyaha Barlamaanka ka jeediyey Munaasibadii Xuska 18 May ee Qasriga Madaxtooyada S/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Nuxurka Khudbadii Gudoomiyaha Barlamaanka ka jeediyey Munaasibadii Xuska 18 May ee Qasriga Madaxtooyada S/land

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq khaliif Axmed ayaa fariin u diray Axsaabta Qaranka isagoo khudbad ka jedinayay Madaxtooyada Somaliland,
“”Madaxda Axsaabta Qaranka waxaan leeyahay oo u soo jeedinaya markay duruufan oo kale yimaadan ceeb maaha inay albaab walba garaacan oo yidhahdaan hadii ay wax tirsnayaan oo ay yidhaahdaan waar hanala kala qabto oo hanalala arko ceeb maaha.
Waxaynu u baahanay hadalada dhiilada leh ee dalkeena iyo dadkeena wax yeelaya inaynu aad iskaga ilaalino waxaan in badan maqlaa oo dadkeena ka maqlaa iyadoo hadal badan loo jeedinayo dadka shacabka ah.
Dadka shacabka ahi waxay doorteen inta madaxda ah ee golayaasha Qaranka ku jira xilkuna intaasu saaran yahay.
Maalin walbana eeda cidaan lahayn in dusha laga saaro oo shacabka loo jeediyaa wax wayn kordhin mayso.
Madaxda Xisbiyada waxaan leeyahay ceeb iyo gunimo maaha inuu qofku u danqaato danta guud iyo maslaxada ee waa sharaf, waa guul waa gobonimo. “
Gudoomiyaha ayaa sido kale la dardaarmay Madaxweyne Muuse Biixi wuxuuna yidhi,
“Mudane Madaxweyne dalkeenu wuxuu marayaa xaalad wanaagsan Ilaahay mahadii una baahan in la ilaaliyo masuulka koobaad ee xilka qaranku saaran yahay waa adiga wixii yimaada intaad aad joogto ee lib iyo abaalna adigaa leh.
Wixii ay keento ee xumaan iyo hiiftaanyo reebtana leh adigaa leh.
Waxaa lagaa doonayaa Madaxweyne duruufaha dalku inaad ku waajahdo Waayelnimo , Odaytinimo iyo Ururin.
Xilkaasi adiguu ku saaran yahay, Madaxweynuhu waa odaygii Qaranka oo taa ururinta markay joogto isagay saaran tahay.
Waxaan Madaxweynahana kula talinayaa inaanu talada ka qaadan in talo xumaan ah ee uu ka qaato inta maalinta uu khaldan yahayna tidhaahda waar fadhiiso, marka uu saxan yahayna garnaqsan karta oo aragtidiisa gole gayn karta oo iibin karta.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this