Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyay Shir muhiim ah oo looga hadlayay abaaraha ka taagan dalka.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe iyo qaar ka mid ah ururada Bulashada Rayidka.

Waxaa looga hadlay xaalada abaaraha, taas oo dalka saameyn ku reebtay dadka iyo duunyada iyo weliba sidii caawimo loogu fidin lahaa dadkeena ay saameysay.

Kulanka ayaa imaanaya xilli ay dalka ka jirto abaar aad u daran, ayada oo la soo warinayo in gobalada qaar ay dadka u dhinteen biyo la’aan, halka qaarkood ay ka baro-kaceyn deeganadii ay ku sugaanaayeen.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaalo caqabado badan oo ay kamid yihiin wax ka qabashada Abaaraha soo noq-noqda, ayada oo xiligaan laga sugaya sida ay dowladdiisa u maareyn laheed abaarta baahsan ee dalka ka jirta.
281692689_392532792913333_71902826669305 281799574_392532856246660_37587522830424 281794825_392532859579993_76824647735106 282062880_392532952913317_53943379462188 282013694_392532956246650_88307294849531 Sheekh-Soomow.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 281966090_392532779580001_10344679876990 281880253_392532916246654_62976870857745 281850567_392532926246653_76041611841408 281772458_392532852913327_25857482308251 281992055_392533022913310_48998163655498 281990939_392533069579972_90047482820860 281153620_392533096246636_19204672743104

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this