Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan iyo Bulshada Rayidka Oo Ka Hadlay Abaaraha Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay arrimaha abaaraha dalka oo muddooyinkii la soo dhaafay ku dhuftay gobala fara badan.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka sheekh Adan Maxamed Nuur iyo guddiga abaaraha dalka iyo xubna ka tirsan bulshada rayidka.

Waxaa kulanka intii uu socday looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha daba dheeraaday ee dalka ka jira muddooyinkii la soo dhaafay.

Dalka ayaa waxaa qayb kamid ah ku dhuftay abaaro saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada, kuwaas oo gobalada qaar ay dad fara badan ugu geeriyoodeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku gudajiray olalihiisi doorashada dhowrjeer horay u sheegay in uu wax ka qabanayo arrimaha abaaraha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this