Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay madaxda IMF, xilli uu maanta ku ekaa waqtigii loo qabtay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo wasiirka maaliyadda xukuumadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay madaxda hey’adda dhaqaalaha aduunka ee (IMF).

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in hey’adaha dhaqaalaha caalamku dhegeystaan aragtida dhaqaale iyo barnaamijka dayn cafinta ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

17-ka May oo maanta ku beegneyd waaxay hey’adda IMF horay u sheegtay in ay joojinayso wada shaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya, hadii aan lasoo gabagabeyn doorashada oo aan la dooran hoggaan cusub.

Hase yeeshee doorashada ayaa ku soo idlaatay waqtigii loo qorsheeyey waxaana la doortay Madaxweyne cusub oo faham ka heysta horumarinta dhaqaalaha dalka iyo arrimaha deyn cafinta oo dowladda Soomaaliya meel fiican u maraya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa horyaalla horumarinta dib u habeynta maamulka maaliyadda iyo la dagaalanka musuqa, si kor loogu qaado kalsoonida caalamka, loona sii amba qaado nidaamka deyn cafinta oo meel dhexe maraya.

Hadii ay dowladda Xasan Sheekh dib u hagaajiso dhaqaalaha dalka, waxaa fududaaneysa in Soomaaliya ay ka faa’iidaysto mashaariicda hey’adaha caalamka iyo dowladaha deeqaha bixiya, kuwaas oo garab istaag ula diyaar ah Soomaaliya.

Sidoo kale doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya waxay suurta gelinayaan in caalamku Soomaaliya u fasaxo deeqihii ku xermay dib u dhaca doorashooyinkii dalka.

280482332_534176268333265_40511308014214 281719915_534176238333268_77500130029063 282034564_534176318333260_15499458846104

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay madaxda IMF, xilli uu maanta ku ekaa waqtigii loo qabtay DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this