Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16527932188288049.jpg?resize=720%

Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalla Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Kulanka ayaa ahaa hambalyo is xogwareysi iyo guud ahaan kala warqaadasho ku saabsan xaaladda guud ee dalka, waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

“Waxaan maanta ka qeybgalay kulan uu noo sameeyay Madaxweynaha cusub ee DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Kulanka ayaa ahaa hambalyo is xogwareysi iyo guud ahaan kala warqaadasho ku saabsan xaaladda guud ee dalka” ayaa yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this