Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1652787738398.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan booqasho iyo salaan ah waxa uu Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo 15-kii May loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa Labada Madaxweyne waxa ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale ugu hambalyeeyey walaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, isaga oo faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta.

FB_IMG_1652787738398.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1652787757380-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1652787744010.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1652787732708.jpg?resize=720%2C56 FB_IMG_1652787765719.jpg?resize=720%2C58 FB_IMG_1652787748624.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this