Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Ugu Sarraysa Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI Oo Saaka Safar Ugu Baxay Burco Iyo Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxda xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa saaka u kala baxay gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland si ay bulshada Somaliland iyo taageerayaasha xisbiyadooda ugala qayb-galaan xuska 18-ka may.

Wafti ay hoggaaminayaan guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hiirtii hore ee subaxnimadii saaka u jarmaaday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay maalinta bari ah kaga qayb-galayaan xuska 18-ka may.

Dhan kale wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isagana saaka subixii hore safar ugu baxay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Labadan wafti ayaa la filayaa inay goor dhaw gaadhaan magaalooyinka Burco iyo Boorama.

Somalilandtoday kala soco wixii warar ah ee ka soo kordha safaradan

1-1024x683.jpg 281140479_738359080938046_34296899428934 3-1024x768.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this