Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia kulan kula yeeshay Farmaajo + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay maanta tegay xarunta Villa Soomaaliya, tan markii la doortay Axadii lasoo dhaafay ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulankan oo dhacay barqanimadii maanta ayaa ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan munaasabadda xil wareejinta oo lagu wado in la qabto todobaadka soo socda, si uu xafiiska ula wareego madaxweynaha.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xubno ka tirsan Villa Soomaaliya iyo kuwa kale oo la socday Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo oo horey u aqbalay natiijadiii kasoo baxday doorashadii looga adkaaday ayaa u hambalyey Madaxweyne Xasan oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in Madaxweynaha cusub uu saacadaha soo socda kulan wadajir ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku sugan caasimadda, si uu ugula hadlo xaaladaha taagan iyo sidii ay dowladdiisa cusub ula shaqeyn lahaayeen.

Tan markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kulamo wadatashi ah ka waday Muqdisho, isaga oo shalay qaabilay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Guusha Madaxweynaha cusub ayaa si aad ah looga faceliyey, iyada dowladaha taageera Soomaaliya ay boggaadiyeen qaabkii ay u dhacday doorashadii uu kusoo baxay.

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia kulan kula yeeshay Farmaajo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this