Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo baaq u jeediyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhowaysay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud.

Bayaan ka soo baxay wasaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay hadda haysato fursad dib u-habayn loogu samayn karo dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha iyo amniga dalka.

“Soomaaliya waxay hadda haysataa fursad ay diiradda ku saari karto dib u habeynta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maraykanka ayaa madaxweynaha cusub iyo dhammaan madaxda Soomaaliyeed ku dhiirri-geliyay in ay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimoquraaddiyada ah.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah.”

Sidoo kale wuxu ku baaqay in horumarin lagu sameeyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula dagaallaman Al-shabaab islamarkaana si buuxda amniga dalka uga la wareegaan ciidamada nabad Ilaalinta ATMIS.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo baaq u jeediyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this