Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay BALCAD

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla gudaha degmada Balcad, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in maqaayadda la qarxiyey ay inta badan tegi jireen shaqaale ka tirsan maamulka degmada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu sababay khasaare u badan dhaawac, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana dhaawacyada ka dhadhay qaraxa la geeyey isbitaallo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

The post Faah faahin: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay BALCAD appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this