Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biden oo saxiixay in ciidamada Mareykanka lagu celiyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Janaayo 2021, maalmo kahor inta aanu ka tegin xafiiska, wuxuu Soomaaliya kasoo saaray 700 oo askar Mareykan ah, taasi oo qeyb ka aheyd siyaasad guud oo uu dalka ugu soo celinayey ciidamada Mareykanka ee dibedda ku maqan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Biden oo saxiixay in ciidamada Mareykanka lagu celiyo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this