Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar hoobiyaal ah ku qaadday saldhiga ciidamada Puntland ee Galgala

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dabley ka tirsan Al-shabaab ay weerar hoobiyaal ah ku qaadeen saldhiga ciidamada Puntland ee degaanka Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sida wararku sheegayaan ku dhaawacmay hoobiyaasha ay soo tuureen kooxda Al-shabaab.

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa weerarkaas kaga jawaabay duqayn culus oo lala beegsaday kooxda inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin khasaaraha dhankooda gaaaray.

Galgala waxa ku sugan cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland gaar ahaanna ciidanka loo yaqaan Dhiirranta ee Daraawiishta Puntland.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar hoobiyaal ah ku qaadday saldhiga ciidamada Puntland ee Galgala appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this