Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ingiriiska oo hambalyo u dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ingiriiska ayaa hambalyo u dirtay mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

“Hambalyo Xasan Sheek Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya” ayay tiri wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda UK Vicky Ford.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageeridda xasiloonida Soomaaliya gaar ahaanna la-dagaallanka Al-shabaab.

“UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Soomaalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida iyo la dagaallanka Al-shabaab” ayay tiri wasiir Vicky Ford.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Ingiriiska oo hambalyo u dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this