Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in aysan jiri doonin wax aargoosi siyaasadeed ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad kooba jeediyay kadib markii uu ku guulaystay xilka  ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax aar-goosi siyaasadeed ah.

Sidii aan habeen dhowayd ka dhawaajiyey, markii aan iclaaminayey musharaxnimadayda, iska aarsi ma jiro, [in la iska aarsado], is-daba-gal siyaasadeed ma jiro” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Madaxweynaha la doortay ayaa sheegay in uu dhaqan-gelin doono shuruucda iyo qawaaniinta dalka islamarkaana lala tiigsan doono cid kasta oo samaysa wax sharciga baalmarsan.

Dalkani qawaaniin ku filan ayuu leeyahay, haddii wax isbedello ah iyo wax lagu kala aragti duwan yahay ay yimaadaan, qawaaniinta ayaan la tiigsan doonnaa ilaahay idamkii, ee qof waliba sida la qumman ma yeelayo”

Sidoo kale wuxu tilmaamay in ay jiraan xasuuso adag iyo dhibaatooyin la soo maray oo aan la hilmaami karin balse wuxu soo jeediyay in la is cafiyo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in aysan jiri doonin wax aargoosi siyaasadeed ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this