Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo raja fiican ka muujiyay in madaxweynaha cusub horseedo xasilooni siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   
2-12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa raja fiican ka muujiyay in madaxweynaha cusub ee la doortay uu soo celiyo kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay.

Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale raja ka muujiiyay in madaxweynah cusub ku guulaysto kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay xildhibaannada Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay codkooda dalka uga saareen xaaladdii hubanti la’aanta ahayd.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo raja fiican ka muujiyay in madaxweynaha cusub horseedo xasilooni siyaasadeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this