Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
ethiopian-PM-nov-13.jpg?resize=1000%2C60

Ra’iisul wasaaraha waddanka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha xalay la doortay ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Abiy.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ka rajeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh wada- shaqayn dhow oo ku salaysan danaha labada dal.

“Waxaan rajaynayaa inaan si dhow uga wada shaqeeynno danaha guud ee labada dal iyo kuwa gobolka” ayuu sii raaciyay.

Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo markii labaad loo doortay madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhowaan si rasmiya xilka ula wareego.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this