Jacaylbaro Posted October 25, 2007 SHIINKIISA GABAY WAANIGII SHAACIR KU AHAAYE KOLKII UU SHAYO WADA FOOL XUN IYO SHUUQ KA BIXI WAAYAY SHIB INTOON KA IDHI WAANIGAAN SHA KA CELINAYNE DAD UUN BAA I SHIIDAYEE WAKHTIGAN MABA SHU'AYSTEENE MAR HADII UU SHAWLAAN DHAC IYO SHII KA BIXIWAAYAY MAANTABA TIXDAAN SHAABAHAY AYAAN SHIISHKA KU HAYAAYE NINKII SHAACIR AHI HA II AKHRIYO SHARAXA HOOS YAALLA HADDI SHIDHE LAGUU QALO ADOO GAAJO SHIDANAAYA ASEE SHAY XANUUNI KU HAYN SHARAC ALLEE MEELNA OONAD HILIBKII SHIILAA CUNAYN SHEEG HADAAD GARATO? SHAYADAN ILAAHAY KHALQAY EE CIIDA LAGU SHUUMAY EE SHAY LABOOD IYO DHIDIG AH SHEEDA KA ARKAYSO EE SHUQULKU LABAN LAAB YAHAY SHEEG HADAAD GARATO? BAHAL SHEED WAX KAGA BOODA OO NAQAS KU SHUUKEEYA IYO SHAYGA LAB EE MAALIN DHALA SHEEG HADAAD GARATO? KALUUNKUBA BADAA SHIIDANBUU XILO KU SHUUMAAYE SIDA DHASHIISU UGA SHAAC BAXDO SHEEG HADAAD GARATO? ADUUNYADU SHARBAY SOO WADA MARTIYO SHAY DHIBAATO AHE SHIDO MAALINTAY UGU DARAYD SHEEG HADAAD GARATO? BAQASHABA SHADH GEENYAA DHASHAY IYO SHAY DAMEERO AHE WAXA SHARAC ALLEE UBADKA KA DHABAY SHEEG HADAAD GARATO? WARARKEENII SHAAN SHAAN TEGAY EE SHEEDA KA IFTIIMAY WAXA MAANTA SHIIDA U BEDELAY SHEEG HADAAD GARATO? SHAN MALYUUN HALKAY GLIJIREEN WAXA SHAASHEEYAY EE MAANTA LOO WADA SHIB YAHAY SHEEG HADAAD GARATO? CAASHAQAAN SHIFADA MOODAYAY EE SHAASHO NAGU REEBAY EE SHANABYO AAR NAGA DHEX GALAY SHEEG HADAAD GARATO? NINKA LABADA SHEY EEBAHAY SHAARAC UGA YEELAY HADII MAWDKU SHEEBAHA DUL DHIGO OOY SHALAY KA LEEXAYSO NINKA MAYDHIGIISA SHIRABI LAHAA SHEEG HADAAD GARATO? WELI EEBAHAY SHUUMAY OO DIINTA KALA SHIILAY OON SHIDAADO IYO QISAAS SHAYNA LAGU HAYSAN OO SHIDHANA LOO SOO QABSADAY SHEEG HADAAD GARATO ? GABADH DHEGAHA LAGA SHIIDAYOO QURUXNA SHEEGSHEEG AH OON INDHAHA SHAYNA ARKAYN, WELINA SOO SHEEGAN HADDII GUURKU WAA SHAY JIREE, INAN LA SHEEKAYSTO SIDA MEHERKA SHEEKHU U AKHRIYI SHEEG HADAAD GARATO? INANTII SHAMSADA IYO DAYAXA SHARAF LA MOODAAYAY SHABAD QURUXSAN TIIYO AH, OO UUNKU WADA SHEEGAY GOORTUU SHABEELKII HELAY EE WARISNA SHAASHAWDAY SHANBAA LAGU MUQUUNSHAYE, WAKHTIGU UMA SHIFAYSNAYNE SHANSHADEEDA BAHALKII JABSHAY SHEEG HADAAD GARATO? WAXA NABADA SHAKAMADA U JARAY EE SHALAWGA RAACSIIYAY EE BEEN SHAMIISKA U GESHAY UU NACAB U SHEEKEEYAY EE TALADU SHURUN-SHUUR LA TAHAY SHEEG HADAAD GARATO? SHIR MAROODI SABABTUU ATOOR UGA DHEX SHEEKEEYAY EE GUURTIDII UGA SHIKIDAY SHEEG HADAAD GARATO? SHAADALI IYO KHAAMIRI AYAAD SHAAH U BIXISAANE WAXA LA ISKU SOO SHUBAY FURQAAN SHARAXYADEEDIIYE SHAFKA WAXAAN KU HAYSTAA WARSHADO SHUBAYA NAABAALE SHEEKADU HALKAY DAARANTAHAY SHEEG HADAAD GARATO? AFARTAA SHA'DA IYO WAWGA IYO SHIIN MA KA HIGAADSHAY MA SHIRABAY IRMAAN MA U SHAF DHIGAY SHAADHNA U GELIYAY KOLKUU BADAWGU SOO WADA SHUQ YIDHI SHII MAKAGA OODAY. Cumar Aw Jaamac (Allah ha u naxariisto) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Koora-Tuunshe Posted January 10, 2008 Jaceyl Baro: aadbaan uga helay gabaygaas. Hadaba kan bal ila fiiri: isna waa sheeg hadaad garato... Ga’da gabayga Shaafici adaa, gaaddo ku lahaaye Naxwihiisa gaarka ah adaa, goobay oo helaye Adigaa garaaddiyo ku helay, Goonni sharaftiise! Bayd gaabka oo idil markuu, gacan togaaleeyay Gurbood iyo indhow-garad markii, laysku wada giijay Gablay-shimbir sidiisii markii, dumar ku geeraaray! Isagoo guluulaca markii, lagu guraabaasay Geddii lagu aqoon jiray markii, laga gawaan-raacshay Gurgurshaaga Adigow noqdiyo, laaxin gure weyne! Galoof ololka niman baa yaqaan, gooddi iyo faane Adigoon ardaa guurinayn, gobo’na sheegaaya Gool-dhalinta waataad taqiin, Guulle mahaddiise! Hiiradkuba ha gaa-gaawiyee, kaagu waa godole Hibo aan gurayn iyo adaa, gaawe buuxsadaye Ila guri haddeeroo kalaan, gole ka sheegaaye! Saddexdaas isnow ays gogladay, dibirta gooheed dheh (Snow, Ice) Dhego-gooye qabawgeer Galbeed, geyro kuu naban dheh Dhahar guurtideedoo galbiyin, gabay aqoontood dheh! Gufaacooyin rooboo Sanaag, gootay duhurkii dheh Guguc iyo hillaac galalacliyo, galangal duufaan dheh Dhul gariiray badahoo gilgilan, gabikayeerkood dheh! Saddex kalana googaale iyo, gob iyo xaalkeed dheh Halxiraale Gabayaysan iyo, gal iyo toorreey dheh Intii gaaf ka maansoon taqaan, gaar u hadlkood dheh! Giraamaha adduunyada haddaad, galabba meel joogto Hadba waxa ku soo gelin waxaan, garasho yeelayne Wax qabaw la-guban baan arkee, sheeg haddaad garato? Hal horraadku uu godal yahoo, giigsan yahay caano Oo ganacsi loo sii raroo, galabba meel daaqin Oo ka guran dambeedkaan arkee, sheeg haddaad garato? Geel habeedda jeenyaha kuloo, hore ka giirgiiran Oo gamboorka raamsanahayiyo, geedka ciinka ahba Oon giriirixayn baan arkee, sheeg haddaad garato? Maska goodka ee Bari hadduu, madax garaac diiday Asuu godalla dheerow arlada, gees walbaba joogo Kala goyn siduu uga bed galo, sheeg haddaad garato? Garangoor dagaallamahayoo, guuto bixinaaya Jirac reerka uu galo judhii, gabagabaynaaya Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Gabxo iyo gabaaddiir habeen, gabbal madoobaaday Gogol iyo nimaan haysan guri, iyo gabbaad toona Oo gama’ ladaayaan arkee, sheeg haddaad garato? Garas gawso daal buu taraa, gaajo beel malehe Gasiin kale nimaan siisanayn, hilibka geedaysan Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Guxushaa cirrooboo caqliga, gaban la boodaaya Iyo doob garraar soo xirtoo, gacan ka laafyooni Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Gaas dumara oo goor walbaba, guluf u soo taagan Gaalleefta gabar qaadatoo, tobon nin Qoor goynin Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Guunyiyo nin gini haysta iyo, googo’ lacageedba Gabarradana aan bixin karayn, dhawr gambiyo taano Oo qabiil u go’ay baan arkee, sheeg haddaad garato? Nin Gurboodki uu dhalay intuu, gawrac ugu jiiday Gabannada cadaawana sidii, gacal xanaaneeya Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Nin gelgelin cidlaa hooyadiis, maalin uga guuray Oo aan garawshiyo naxdini, taaban ganaciisa Aayana gargaaraan arkee, sheeg haddaad garato? Garbiduu ku tiirsaday nimaan, loogu geli doonin Oo gabanta foodda leh hub iyo, gamas u soo qaata Giiryaale diricaan arkee, sheeg haddaad garato? Geed adayg ninkii loo bartiyo, geesi lagu dhaato Markay dumar guhaadana judhii, gorodda laadlaadin Waxa loogu maag galay ninkii, garanayow sheeg bal? Maskax guun ah maan gaabanoo, gaar is oranaaya Midaan gabanno dhalin oo nin kale, gablan ku maagaaya Gaasirnimo midkoodii geyoon, sheeg haddaad garato? Mid guhaadda goor iyo ayaan, gayrtu hurinayso Mid kaloo gunuunacahayoo, abid guraabaasin Gidaar hoos ka muuqdaa mid uu, didiyo giirkiisa Gardarrada midkeer qaayiboo, ganacu weynaaday Garabgoroyo aan muuqanoo, laysku garabsiini Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato? Deeq Aadam Diiriye Xigasho: Dhahar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites