Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada wareegga 2aad ee Doorashada Madaxweynaha Somalia oo lagu kala baxay+2 Musharax oo isu soo hadhay & Codadka la kala haysto

Recommended Posts

Deeq A.   

Natiijada wareegga 2aad ee Doorashada Madaxweynaha Somalia oo lagu kala baxay+2 Musharax oo isu soo hadhay & Codadka la kala haysto

 farmaajo-1.jpg
Doorashada Madaxweynaha

Waxaa soo idlaatay tirinta codadka wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, oo ay ku tartameen afar musharax.

Natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa in Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay galeen kaalinta koowaad iyo labaad, ayna u gudbeen wareegga saddexaad.

Waxaa haray Saciid Cabdullaahi Deni oo galay kaalinta saddexaad iyo Xasan Cali Kheyre oo galay kaalinta afaraad, kuwaas oo aan u gudbi doonin wareegga xiga.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 110 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusoo xigay uu helkay 83 cod. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre ayaa kala helay 68 cod iyo 63 cod, sida ay u kala horreeyaan.

Waxaa hallaabay shan cod.

Maadaama uusan jirin musharax helay saddex meelood laba meel codadka guud ee doorashada, waxaa billaabanaya wareegga ugu dambeeya oo ay ku kala baxayaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay codeeyeen 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this