Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin ku hubaysan qori ayaa xabbad ku furay dad ku jiray tukaan ku yaalla magaalada Buffalo, gobolka New York ee dalka Maraykanka.

Ninka ayaa dilay ugu yaraan 10 qof, ka hor intii aan saldhigga loo kaxayn, sida saraakiil ciidanka ka tirsani ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press.

Faahfaahinta tirada inta qof ee tukaankan oo lagu magacaabo Tops Friendly Market ku jirtay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ayaanan wali la haynin.

Dambi-baadhayaasha ayaa aaminsan in ninka dilka geystay, laga yaabo uu si toos ah weerarka u duubayey.

Dambi-baadhayaasha ayaa eegaya in qorshaha weerarkiisa uu baraha bulshada ku sii shaaciyey iyo in kale.

Saraakiisha ayaa sheegay in baadhistu ay marxaladihii u horeeyey ku jirto, ciidankuna aanu wali caddeyn karin wixii ninka weerarka ku sababay.

Hase yeeshee, ay eegayaan in toogashadu ay dhinaca isirka la xidhiidho.

Tukaanka ayaa ku yaalla xaafad ay dadka madowga ahi u badan yihiin, taas oo 5km ka fog faras magaalaha Buffalo. Goobaha ku wareegsan ayaa ah goobo la deggan yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this