Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta madaxweyne cusub u doortaan dalka.

Muqdisho waxaa ka socda diyaar-garowgii u danbeeyay ee ololaha doorashada madaxweynaha oo lagu qabanayo Teendhada Afisyooni ee xayndaabka Xarunta Xalane.

Xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha ayaa goor hore gaaray hoolka doorashada halkaas oo ay ku sii jeedaan xildhibaannada iyo musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha dalka.

Amniga Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana xalay magaalada ka dhaqan-galay bandow socon doona ilaa berri subax si loo xoojiyo amniga guud ee caasimadda.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this