Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxa soo socdaa Yaab leh..Siyaasi Cali guray oo Tix gabaya la sarakacay

Recommended Posts

Deeq A.   
WAXA SOO SOCDAA YAAB LEH
gry.jpg
Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo
Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka
Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban
Iyadoo gudoodiya hadday, fadal garmaammayso
Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso
Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo
Intay gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo
Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho,
Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye
Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye
Way kala guddaa amase way, kala go’doontaaye
Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye
Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye.
Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey
Inkastoo go’aankii dulliga, geesinnimo diiddey
Inkastoo giyigu waa xormee, gaadhka laga meershe
Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay
Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego
Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye
Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this