Jacaylbaro Posted September 12, 2007 Dadku kala ayaan roon Ama kala aqoon dheer Ama kala asluub weyn Hadaan eed la doonayn Ama deeq Illaahay Asaraar ka taagnayn Dadku eexo kaa gelin Inan yahay la'aantaa Dumar lama abuureen Gabadh lama ammaaneen Jacayl looma ooyeen Geed beer udgoon iyo Ku dhex-yaal ugbaadoo Ubax iyo man fuulaay Ulihii madheedhkee Iimey ku yaalliyo Ilo wada xareedoo Nafta lagu illaawaay Dayaxoo iftiimoo Arladoo dhan gadhoo Afar iyo tobnaadaay Qorraxdoo aroortii Dhulka soo abbaartoo Sagal iid dhex joogtaay Waxaad tahay adduunyada Dhexda udubka haystoo Xejiyoo adkeeyoo Af-gobaadsan maayoo Qurux lama amaahdee Ashkir geenyo ugubey Adhaxdiyo laf-dhabartiyo Sanbabbada agtoodiyo Ililaha halbowlaha Eebaa ku mudanoo Arrintii cuslaatoo Naftu aammusnaantii Iimaansan weydoo Amaleey jacaylkii Soo dhaafyey uurkoo Afku haysan waayoo Goortaan ogaadee Arammidu dillaacdaan Ooddii ka leexshee Axdi jaba abaal luma Kaa eegi maayee Igadh iyo maqaarkeed Innagoo ahaannaan Hadalkii ku ururshee Adiguna dheh aammiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted September 12, 2007 ^^That is a Hadraawi piece JB that I really enjoy reading. The poem was long as I can remember where is 'naftu aamusnaantii, iimaansan weydoo...' part? Soo dhamaystir sxboow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 12, 2007 Waar niyow intaasuun baan ka hayaa imika ... baan raadin doonaa inta ka dhiman IA Quote Share this post Link to post Share on other sites