Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Musharaxiinta qaar oo billaabay lacag bixinta iyo Qatar oo la sheegay inay musharax cusub taageereyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya inay si teel teel ah u billaabatay bixinta lacagaha musharaxiinta ay siinayaan xildhibaanada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xarunta ololaha musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay noqotay halkii ugu horeysay ee lacag laga bixiyey, inkasta oo weli aysan caddeyn cadadda la bixinayo.

Waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale oo dhowr ah oo bixiyey lacago kooban. 

Dhinaca kale, Villa Somalia ayaa la sheegay inay keentay xujo cusub oo yaab leh, ayada oo xildhibaanada u sheegeysa inay lacagtooda qaataan kadibna seexdaan Villa Somalia, oo subaxii lagu qaadayo basas, si looga hor-istaago inay aadaan xarumaha kale ee musharaxiinta, oo aanay lacag uga qaadan.

Villa Somalia ayaa la filayaa in in xildhibaankiiba ay siiso 100 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah. 

Xubno ku dhow musharaxiinta qaar ayaa Caasimada Online u sheegay inay rajeynayaan in ugu yaraan ay bixiyaan 50% lacag kasta oo ay bixiso Villa Somalia, ayaga oo ku doodaya in taasi ay laba mar lacag siin karto xildhibaanada, kadibna qofka ay doonaan ay u codeyn doonaan, ayaga oo ku rajo weyn in qofkaas aanu noqon doonin Farmaajo.

Dhinaca kale, machadka Sahan Reseach ayaa qoray inuu helay warbixin sirdoon oo sheegeysa in dowladda Qatar iyo Fahad Yaasiin ay si hoose u taageerayaan musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Cosoble oo wax kusoo bartay dalka Masar, islamarkaana ka tirsan urur diimeedka Islaamiga ah ee Ictisaam uu fikir ahaan aad ugu dhow yahay Qatar, uuna hadda yahay qorshahooda labaad haddii Farmaajo uu meel wanaagsan gaari waayo. 

Caasimada Online si madax banana uma xaqiijin karto xogta Sahan Resaerch. 

Haddii warbixintan Sahan ay sax tahay, waxay isbeddel weyn ku sameyneysaa loolanka doorashada, waxayna Cosoble kusoo dari kartaa xubnaha ka gudbi kara wareegga koowaad ee doorashada.

Loolanka ayaa waxaa weli ku horreeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug. 

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni, iyo Cosoble haddii ay sax tahay taageerada Qatar. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey. Waxaa sidoo kale meesha laga saari karin in la-yaab uu ka dhaco doorashada, oo xubno lama filaan ah ay soo meel fiican soo gaaraan.

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta. 

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah. 

The post Xog: Musharaxiinta qaar oo billaabay lacag bixinta iyo Qatar oo la sheegay inay musharax cusub taageereyso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this