Jacaylbaro Posted September 12, 2007 Garan waayey sheekada Waxay gacallayaashay Geed iigu bixiyeen Dhirtu waysku gogol qudha Mase wada gudboonee Giddi maysku qaadaa Kay gaar u jeedaan May goonni sheegaan Maxay uga gabbanayaan? Gudub magacu waa hore Galbay oo la wada maqal Dunidoo dhan wada gaadh Gabdhihiina loo sheeg Iyadaan god loo deyn Gibishay I saareen Geestee u duubaa? Go'a lay huwinayaa Ma dhaliil gurracan baa? Gumar iyo ma ciin baa? Ma ganboor sunaan ahay? Gaagaabka cilinka ah Ma gadaal bax baan ahay? Mise gocondhadaan ahay? Mise gawlallaan ahay? Ma ammaan gayaxan baa? Gabre iyo madheedh iyo Ma galool mudhaan ahay? Mise tolow gobkaan ahay? Iyo lama garaacaan? Ha ka guban mar baan idhi Gacan baaban u holladay Inaan geysto dhawr jeer Misna waxaan gudoonsadey Horta inaan u kuur-galo Halka loo gol-leeyahay Waa goorma goorteed Gef dhacaan u haystoo Godob baan tirsanayee Sow waa gartoodee Garas jilif leh baan ahay. Guudkayga boqorrada Garaareeya heesaha Gallad qurux cod iyo luuq Shimbiraha u gaarka ah Gashan labada qaybood Haddii ay galaydhkiyo Galgalkiyo fadhiistaan Geesigooda caan baxay Gunta iyo salkaygana Goodaaddo nacabiyo Maska goodka halista ah Inta bahal gurguurtiyo Gungumaa ku shiri kara Waxaan ahay ma guuraan Gantadaydu adakaa Gaashaan biraan ahay Goblan tala adduunyooy Gabay jaaba-jaaba ah Jajab iyo guraangura Geel-kiiska maansada Suugaanta gocorka ah Xulka inan gumeedka ah Ninka maalin gelinkeed Moorkoos ka gurayee Garcan waayey baan ahay Alle gaarrisaniyaa Oo maxaase iga galay Intuu Gaasir ii wadey Googaalihiisii Anba ways gujinayoo Markuu gooddi meershaba Garashaan ku dirayee Ninku ways galaalee Murti wax ka soo go'ay Bal aan soo godlee qabo Isagoo galgaladkii La hadlaaya gabadhii Wuxuu yidhi guddoonshuhu:- "Samirkiyo dulqaadkiyo naxariista badan bay dadku igu ******** nafta aad sugaysaan ma awoodahaygaa yamyam iyo qadaad weyn xataa caanaleydii booc uga tukubayaan markaan diiri waayaa laysii qodqodayaa" "Doofaarka ficil li'I naar loogu daayimi kol haddii dubbiyo waran duunkayga lala dhacay yaa dabarka igu xidhay horta maan dagaallamo anigu maan is daafaco" "Sow duruustu maahayn mudankiyo hal-doorkiyo marka geesi laga dilo dadku inay fadhiistaan waatan geenyadii Diran iska soo durdurisee duufaanka wadatee ma la waayey dabar adag iyo wiil dardara qaba ma inaan dumaalay dantu igu khasbaysaa? Duqu wuxuu u haystaa Dilku inu qardhaas yahay Dulmi lagu adkayn karo Duqu waxaanu garanayn Inuu dhiigga daataa Yahay dogobbo waaweyn Iyo xaabo lagu daro Dabka qoran kulaalee Lagu shido dareen guud Isagoo galgalad kale La hadlaaya gabadhii Wuxuu yidhi guddoonshuhu:- "Soddoh yahay la duufsaday sowdigaan bannaankiyo dibadaha u bixi jirin sowdigii dusuuddiyo weelkaaga xalan jirey yaa ciyaarta kugu daray kugu yidhi ku soo bood yaase kuu cimaamaday? Ma Rashiid Gadh-weynaa Kugu yidhi ganbooley Iyo guuri waayeel Garta waa u simanyiin? Ma ogtahay xilkaan sido Ruuxa soo damaaciya Inuu kiis bileys yahay Meesha yaan habaaskiyo Gabayooxu kugu dilin "haddaan doonto gaadhsii gaarriyiyo Hadraawiyo Gunxan iyo Burhaan iyo Ninkay Guush yidhaahdaan Ama Boobe ugu gee Gurigii Taywaan Bal aniga wax iga gura Horta garanba maynee Fara geliya yaa yidhi Arrimaha gudahayaga Xaggee bay ka kululyiin May shaqaalahaygiyo Xaajiyo khamsiintiyo Caasi waalideyntiyo Jinka naagihiisiyo Anigiyo darmaanaha Isu kaaya daayaan Jaas aanu dheellee Nin la soo kiraystoo Lacag doona baan nacay" Duqu wuxu jeclaan laa Ninkuu doono mooyee Dar kaloo ka geesii Daf inaanay soo odhan Dalan doolka Filibbiin Isba waxa ku dacal jira Dubatada dhallaankiyo Diin laawa-yaashee Wuxuu ii durkinayaa Wuxuu ii arkaa dool Nin dabaylo keeneen Duqu waxaanu garanayn Dunidaba sal iyo baar Inaan deyrku kala xidhin Ama diirku kala gurin In dagaalka joogiyo Dadku laba bahood yahay Isagoo galgalad kale Dadka gooni ula shiray Wuxu yidhi guddoonshuhu:- " Qarafsiga aroortii qadhaab doonashada guud qofna looma diidee haddii aan quwaax helo dadka kalena wada qado maxaa lay qaleeyaa? Ma wax baan qalloocshoo Qarankiyo dalkaan dhacay? Ma wax qiiro kiciyoo Laga qoomamoodaa? Dalku lacag ma haystee Shilimada ka soo baxa Qof haddaan la wada siin Qiyaash maashka ugu weyn Miyey qaybsamaysaa? Haddii laysku wada dilo Hadhow yaa mas'uul ka ah? Haddii berrito lay rido Ama geeshku igu kaco Anigaan wax meel dhigan Sidaan yeeli doonaa? Miyaan tuugsan doonnaa? Ma waxaydin jeceshiin Inaan daasad qaatoo Ceebeeyo Filibiin? Intii ay dhul weynaha Raggii dhoofay haysteen Sida awr dhufaanaa Usha laygu dhaqayoo Labadayda dhaban baan mid markay dhirbaaxaan ka labaad u dhigayoo intaas waan dhursugayee inta dhiisha qabada ah wuxuun iigu dhacayaan idinna maa I dhawrtaan? Wixii roob ku di'I jirey Wuxuu doog jilbaha dhigay Diihaal ma laqanyoon Dibnahaa qallalan weli Duqu wuxu ka marag kacay Danni horeba loo qabey In dorraad gumaystuhu Dusha sare ka raran jirey Duqu waxaanu garanayn Kol haddii dabuubtaas Dibnihiisa laga helay Denbi kale inay tahay Isagoo galgalad kale La hadlaaya gabadhii Dadka guud ahaantii Wuxu yidhi guddoonshuhu:- "Tartan xaashi tiris galay xujo socota weeye xabbad baahan haystaa ma xashiish can baan aha bilaash-xaytayaashiyo markaan naag asay xidhan xilka anigu aan sido u xayuubbinaayee xafiiskayga kuul iyo xinne iyo huruud iyo lala tegayo googarad" "Danyartay wad-wadatiyo naagtan waalaneey maqal dadka kuu gurmanayaa shalay daahir yaa shamis sawtay I doorteen wuxu diino badanaa" "Doorashadu mar weeyaan nin la doortay baan ahay sidii baan u doorrahay doorashoo dhan waan xidhay dabadayna lama furo haddii kale dab baa kacay imminkana digtoonow dib u jeesta oo taga ka su'aal ka keenow magacaaga ii sheeg ama diiddo weeyee anti baan ku qorayaa" duqu wuxu jeclaan laa midho daray had iyo jeer duuduub in lagu liqo waxse aanu kuba darin in la yidhi ha laga dayo dirxi inu ku hoos jiro isagoo galgalad kale la hadlaaya gabadhii wuxu yidhi guddoonshuhu:- "Madaxnimada Filibbiin ma dadkay u siman tahay miyaan aniga lay siin miyaan Riigan odhan hay kun miyaanan shay dilin kuman kalena dhaawicin kumanyaal xabsiga dhigin duqa iga sarreeyaa markii uu warkaas helay sowkii maqsuudee hambalyada qoraalka ah deg deg iigu soo diray hubka yidhi ha loo raro haddii aanan toosnayn sow muu cadhoodeen? Anna ima canaanteen Ma duruusihiisaad Igu beeninaysaa? Dal hadday ku badan tahay Deldelaada dhimashadu Dabar go'u bannaan yahay Hub markaaba soo dega Dawladiisu waa caan Inaan doorkan maanta ah Deeqdas cid kale bixin Dunidu way ogsoon tahay. Axdiyohow ha lumin Ugxan yahay ha dhicin Ashkiryohow ha jabin Ubax yohow ha dhiman Udub yohow galool Oggolow dhiggaa Nin cuskaday Illaahay Eebbay ku magan galay Kuma qado agtaadee Arrimaha Rabbow Soo uruuriyeey Adduunyoy hadduu Nin ku aaminaa Helo aayatiin Ha lagaa arkee Ishaarada nin goba Ha ka eexanneey Iima badan naftaydaay Dadku waaya-arag buu Hadba awr ku guuraa Wax Illaahay kuu qoray Cidi oolin maysee Ukuntii dillaacdoo Ababoo fogaatoo Kambalkiyo ardaagaad Ku ogeyd ma joogtoo Shimbir ay ku nooloo Laba baal aroortii Urur kale la duushaad Umal taah naftaydaay Ku ugaadhsanaysaa Ruuxaan aqoon iyo Axdi naga dhaxayn bay Dadku igu sidkeenoo Eebbow runtii bay Asaraarayaanoo Qof ammaanaddaadiyo Wacadkaaga iibshay Addin iigu xidhayaan Anna xuural-caynaad Rabbiyow abuurtoo Amranoo la yaabloo Ka qarsoon adduunkoo Circa oogadiisiyo Abataqan ku nooloo Qof ilaasha mooyee Cidi aanay aragoo Maalmaha Isniineed Iyo labada Iidood Eedaanka subaxdii Dhulka soo abaartoo Awliyada jacaylkee Arammidu ku mudan tahay Marta aqalladoodoo Wadne abur tufaayoo Olol iyo dab yeeshoo Aslanoo casaanoo Ooyaaya dhiigoo Dhexda eebo kaga taal Ku afura tidhaah-daa Indhahaysgu haystaan Ul madheedhahoon Hor Illaahay iyo Abaal laysu siin Orod lagu helayn Awood lagu hantiyin Ayaan iyo nasiib Ma ka adag yihiin? Adduun iyo kalgacal Haday wada ordaan Hal-abuur tolow Wax ma iibiyaa? Beer oodanoon Irrid furan lahayn Haddii ubax jacayl Ula sare ku yaal Naf oggoli talooy Illinkee martaa? Nin abwaanahoo Ka arradan gacmaha Ka irmaan dibnaha Tolow Ina Suldaan Afku maw gudaa? Hadday welli Alliyo Uur-ku-baale tahay Hadday aawadeed Adhaxdiyo wadnaha Waxaa iin ku yaal Kail-sugan lahayd Indhaheeda tolow Ilmo lagu samara Ma ka iman lahayd? Oda lama filee Afti iyo haddii Ergo loola tago Tolow aabbaheed Muxuu odhan lahaa? Urugiyo xusuus baa Asaraarka faallada Saqda dhexe abuuree Umal iyo ladh soo kaca Wakhtiyada inkaarta ah Maxaa lagu illoobaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 25, 2011 Urugiyo xusuus baa Asaraarka faallada Saqda dhexe abuuree Umal iyo ladh soo kaca Wakhtiyada inkaarta ah Maxaa lagu illoobaa? .. Hmmmm Quote Share this post Link to post Share on other sites