Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska oo Cunaqabateeyn ku soo rogay shakhsiyaad ka ag dhow Madaxweyne Putin

Recommended Posts

Deeq A.   
5d7606ac-9948-4636-983c-ae655cbd374b-120

Laga bilaabo markii uu bilawday Dagaalka milatari ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine, dalalka reer galbeedka ayaa si is daba joog ah u saarayay Cunaqabateeyno ku wajahan madaxda Ruushka oo uu ugu horeeya  Madaxweynahooda Vladimir Putin.

Xukuumadda Britain ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in xirmo cusub oo cunaqabatayn ah ay ku soo rogeen 12 shakhsi oo ku dhow Madaxweeynaha Ruushka, kuwaasi oo ay Britain ku eedeeysay inay maalgaliyaan qaab nololeedka Putin.

12-kan qof ee cunaqabataynta la saaray ayaa waxaa ka mid ah Lyudmila Ocheretnaya, oo aheed xaaskii hore ee Vladimir Putin iyo Alina Kabaeva, oo ahaan jirtay Macalimad Putin ka caawiso jimicsiga kala duwan.

Dadka ku jira Liiska Cunaqabateeynta ee ay soo saartay Britain waxa ka mid ah Igor Putin, Roman Putin iyo sidoo kale Alexander Plekhov, oo la sheegay in uu gacanta ku hayo Hanti uu si gaar ah u leeyahay Madaxweye Vladimir Putin.

Britain ayaa sheegtay in ay Cunaqabateeyn ku soo rogi doonto cid kasta oo gacan siisa madaxweynaha Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Ingiriiska oo Cunaqabateeyn ku soo rogay shakhsiyaad ka ag dhow Madaxweyne Putin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this