Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska 18 May oo Kulmiye UF wada yidhina waan u soo taagnaa!…Siyaasi Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   
XUSKA 18 MAY OO KULMIYE UF WADA YIDHINA ANIGU WAAN U SOO TAAGNAA
guray.jpg
Kkkk waxan xasuustay aniga oo Kulmiye oo mucaarida ah xiligii Daahir Rayaale ayaa la noo fidiyay martiqaad in aanu ka soo qaybgalo casho sharaaf lagu xusayay 18ka May oo madaxtooyada lagu qabanayay. Waxa la noo keenay 5 kaad. Waa xafiiska Kulmiye dhexdiisa. Waar yaa tegaya? Cidi nooma maqna ilaa ofaygii Axmed waa xaadir. Tegi mayno ayaa la wada yidhi. La ii taag helimaayo eh markaan arkay in laga wada baqday ayaan idhi “anigaa tegaya eh keen”. Qof markii i labeeyay ma jirin. Habeenimadii ayaa inan hablihii Kulmiye ah ku dhex arkay. Maan waydiinse in kaadhadhkii Kulmiye ay ku soo gashay iyo in kale. Waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan munaasibad 18 May ah ka qaybgalay intii aan mucaaridka ahaa iiguna dambaysay
Mar ka horaysay baa jirtay laakiin waxan ahaa Agaasimaha Fulinta ee NDC (1995) xiligii Cigaal. Marna waaba markii iigu dambaysay oo waxan ahaa Afhayeenka UDUB. Sadexdaa goor ayaan weligay 18 May casho ka qaybgalay maalinimana weligayba agteeda kama wareegin ee Caligurey Somaliland waa laga jecel yahay miyaa? Oo kuwa sanad walba taga ayaa ka Somalilandersan saw maaha? Cabdiraxmaan Cirro oo aan xataa martiqaad loo isaga iyo xisbigiisa toona ayaa kuwa caqliga dameeraha lihi intaa wadwadaan oo ay dhaliil uga dhigaan 18ka May laguma arag. Imisa ayuu isaga oo Gudoomiyaha Wakiilada ah isagoo Axmed Silaanyo dhinac fadhiya la arkay. Xirsina isagaabu ahaa Wasiirka wax marti qaadi jiray. Haddana waan ku raacsanahaye waxba yaabay ugu tegin hadii ay sidaa go’aansadaan. Waa tii Kulmiye ee qof i labayn waayay oo kale eh. Miyaa la yidhi Muuse kama soo qaybgalo maxaa Cabdiraxmaan sanka looga marmariyaa 18 May horto.
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this