Sign in to follow this  
Deeq A.

Rabshado hadheeyey Aaska weriyihii Al Jazeera Shiriin Abu caqiil oo Ciidamada Israel dileen

Recommended Posts

Deeq A.   

Rabshado hadheeyey Aaska weriyihii Al Jazeera ee dhawaan la dilay

sherin.jpg
 

Booliiska Israa’iil ayaa nabarro ku dhuftay dad ku sugnaa aaska weriyaha Aljazeera Shariin Abuu Caqiil , taas oo dilkeedu uu ka dhacay Daanta Galbeed ee la haystaa, uu sababay cadho aad u badan.

Naxashka ay ku jirtay ayaa ku sigtay inuu soo dhaco markii booliska oo qaarkood isticmaalayay budhadh ay dhex galeen dad falastiiniyiin ah oo isugu soo baxay tacsideeda.

Booliska ayaa sheegay in ay falkaas sameeyeen kadib markii lagu soo tuuray dhagxaan.

Abu Aqla ayaa lagu toogtay duruufo la isku khilaafay Arbacadii, iyadoo Israa’iil iyo Falastiiniyiintu dhinacba dhanka kale eedda saarayey. Dilka ayaa si weyn loo cambaareeyay.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinayay iska hor imaad u dhexeeya booliiska iyo Falastiiniyiinta oo isugu soo ururay naxashkii ay ku jirtay dhismaha isbitaalka, ka hor inta aysan askarta dib u celin dadkii goobta ku sugnaa, iyadoo qaarkood ay garaaceen xilli ay baroor diiqayeen. Booliiska ayaa sheegay in askarta “lagu qasbay in ay adeegsadaan hababkan rabshadaha wata”.

Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday iska horimaadyada dhexmaray ciidamada ammaanka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta iyo hab-dhaqanka booliiska qaarkood.

 

Afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sidoo kale sheegtay in sawirada booliska oo garaacaya dad baroor diiq ah ay ahaayeen kuwo aad u xun.

“Waan ka xunahay faragelinta lagu sameeyay waxa ay ahayd in uu ahaado socod nabadeed,” ayay tidhi.

Maamulka Falastiin iyo Al Jazeera ayaa ku doodaya in Shariin Abuu Caqiil ay toogteen ciidamada Israa’iil, halka Israa’iil ay sheegtay inaan weli la ogaan karin sida ay wax u dhaceen oo ay suuragal tahay in lagu dilayrasaas ay fureen Falastiiniyiinta.

Warbixin ku meel gaadh ah oo milatariga Israa’iil soo saartay Khamiistii ayaa lagu sheegay in toogashada dhimashada ay ka iman karto “rasaas weyn oo ay fureen dableyda falastiiniyiinta ah”, ama laga yaabo inay ka timid “xabado yar” oo uu askari ku riday “argagixiso rasaas ku furayay gaadhigiisa”.

Sherine Abu Aqla (Al Jazeera handout)

Shariin Abuu Caqiil, waa 51 jir Falastiini Mareykan ah, waxay ahayd weriye ruug-caddaa ah oo ka tirsan telefishinka Aljazeera qeybta wararka ee Carabiga, waxayna ka soo warami jirtay colaadda Israa’iil iyo Falastiin muddo labaatan sano ah.

Waxaa loo qabtay xus tacsiyeed mar la arag ahaa oo ka dhacay xarunta madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Khamiistii, halkaas oo naxashkeeda la keenay xilli uu dul saarnaa calanka Falastiin.

Madaxweyne ayaa halkaasi ka hadlay, wuxuuna ku sifeeyay inay tahay “Shahiid” oo “nafteeda u hurtay” si ay u difaacdo qadiyadda Falastiin.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay si buuxda mas’uul uga tahay dilkeeda, uuna u gudbin doono dacwadda maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, taasoo baadh dambiyada dagaal ee suurtagalka ah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa ku eedeeyay Mr Cabbaas “inuu eedeymo u jeediyay Israa’iil kuwaas oo aan sal iyo raad toonna lahayn”.

Shriin ayaa ku sugnaydxerada qaxootiga ee Jenin subaxnimadii Arbacada si ay uga warbixiso duulaanka Israel. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in howlgalku uu ahaa mid ay ku doonayeen in ay ku soo qabtaan “dadka looga shakisan yahay argagixisada”.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli ay si gaar ah u kacsan tahay xiisadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, ka dib ku dhawaad laba bilood oo ka mid ah rabshadihii ugu dhimashada badnaa ee sannadahan.

Nin Soomaali ah ay isla soo shaqeeyeen

Maxamed Axmed Cabdullahi Goosaar oo ay isla soo shaqeeyeen Shiriin ayaa BBC u sheegay Shiireen ay aheyd qof oo furfuran isla markaana aan hadal badneyn.

“Waxay aheyd qof aan si dhow u aqaanay, qof deggan oo bashaash ayay aheyd oo badanaa dhoola cadeyn badan, ma aheyn qof hadal badan”

“Waxay aheyd weriye wararka soo tebiya iyo wararka kale sida arrimaha caafimaadka , ganacsiga, waxay ku caan aheyd inay si toos ah u tebiso goobaha wax ay ka dhacaan”

Ugu yaraan 26 falastiiniyiin ah ayaa la dilay – oo ay ku jiraan kuwa la toogtay iyaga oo qaadayay weeraro, ama mintidiin iyo dad rayid ah oo lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka geysatay Daanta Galbeed.

Israa’iil ayaa weerar ku qaaday degmada Jenin, halkaasoo ay ka yimaadeen afar ka mid ah falastiiniyiinta weerarka ka geystay Israa’iil.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this