Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo ahaa 73 jir ayaa geeriyooday, sida ay ku warantay wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqday in ay jiri doonto 40 maalmood oo baroor diiq ah oo calanka lageynayo kala badh iyo saddex maalmood oo la xirayo wasaaradaha iyo hay’adaha rasmiga ah ee heer federaal iyo heer degmo iyo kuwa gaarka loo leeyahay,” ayay wakaaladu ku soo qortay Twitterkeeda maanta.

Sheekh Khalifa, oo la tacaalayay xanuun dhowr sanno, ayaa muddo dheer ka maqnaa howlaha maalinlaha ah, iyadoo walaalkiis, Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Mohammed bin Zayed, loo arkayay inuu yahay hoggaamiyaha is-beddelka.Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qofka bedelaya Madaxweynaha geeriyooday.

Sheekh Khaliifa, oo aan loogu arkin munaasabadaha iyo fagaaraha sannado badan, ayaa xilka kala wareegay aabihiis iyo aasaasihii Imaaraadka Carabta Sheikh Zayed 2004.

Toban sanno ka dib waxa uu ku dhacay faalig, taas oo ilaa iyo waqtigaas ka dhigtay mid aan indhaha bulshada laga arag.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this