Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo Mawqifkiisa ka dhiibtay War-Murtiyeedka AFRICOM soo saartay oo ku saabsan Safarkii….

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cali Guray oo Mawqifkiisa ka dhiibtay War-Murtiyeedka AFRICOM soo saartay oo ku saabsan Safarkii….

CaliGuray-1024x576.jpg
Anigu lamaan yaabin kamana nixin waayo LAXIBA SHILALKA AY ISDHIGTO AYUUN BAA LAGU QALAA. Mawqifka Dawladda Maraykanku wuu cad yahay Somalilandna uma aragto wax ka duwan maamul goboleedyada ka tirsan Fedaraalka Somalia taas oo la jaanqaadaysa siyaasadda Maraykanka ee “hal Somalia”. iyo Dastuurka Somalia. Dawladda Maraykanka ayaa siyaasadeeda ku wajahan midnimada Somalia waxay ku kasbatay in ciidamadeedu ay u isticmaali karaan Airport-ka Berbera hadba sida ay ugu baahdaan.
Dabcan heshiis waxay sidaa kula gashay Dawladda Federaalka Somalia Muuse Biixina wuu ogolaaday ayay ka dhigan tahay. La soco Madaxwayne Muuse safarkiisii uu ku booqday Maraykanku waxa shacbiga Somaliland loogu sheegay in uu ahaa guul iyo guulo badan, sida booqashadan safiirka Maraykanka ee Somalia iyo madaxda kale ay Hargeysa ku yimaadeen oo dhinaca dawladda Somaliland ay sheegtay in ay ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal waa Somaliland iyo Maraykanka eh.
May be an image of text

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this