Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Dhuusamareeb oo xoogeystay iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saaka duullaan ballaaran ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana halkaa hadda ka socda dagaal culus.

Waxaa la dagaallamaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga.

Dad deegaanka ah ayaa BBC Soomaali u sheegay in dagaalka xooggiisa uu hadda ka socdo xarunta Inji, xero gadiid, madaxtooyada, cisbitaalka guud iyo saldhigga booliska.

“Marba dhinac ayaa la riixayaa oo weli xabbadu way socotaa. Mana jirto cid ku adkaatay ilaa hadda dagaalka,” ayuu yiri qof la hadlay Idaacadda BBC.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka Dhuusamareeb.

Xalay ayaa magaalada waxaa ka jirtay cabsi dagaal kadib markii la ogaaday in xooggaga Ahlu Sunna ay ka soo dhaqaaqeen farriisinkooda deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM waqooyi uga beegan Dhuusamareeb.

Garoonka Dhuusamareeb oo ku yaalla meel ka baxsan magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamo Jabuutiyaan ah oo ka tirsan ATMIS.

Dhammaadkii bishii October 2021 ayaa xooggaga Ahlu Sunna waxaa laga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro baahsan.

The post Dagaalka Dhuusamareeb oo xoogeystay iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this