Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaare nafeed geystay oo ka dhacay gudaha caasimada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Shil khasaare nafeed geystay ayaa saaka ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland oo aan xiriir la samaynay ayaa noo xaqiijiyay in shilkaas uu ku dhintay hal ruux.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya in shilkaas ay galeen gaari xamuul ah iyo mooto bajaaj inkastoo aan weli la caddayn kan wax ku dhacay.

Marxuumka geeriyooday ayaa la sheegay in uu watay mooto bajaajta islamarkaana dhaawac ahaan loo qaaday balse uu markii danbe dhaawacaas u dhintay.

3-8.jpg?resize=780%2C1040&ssl=1 2-10.jpg?resize=780%2C1040&ssl=1 1-11.jpg?resize=780%2C1040&ssl=1 4-8.jpg?resize=780%2C1040&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shil khasaare nafeed geystay oo ka dhacay gudaha caasimada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this