Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoogagga Ahlusunna oo qabsaday xaafado kamid ah magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Xoogagga Ahlusunna ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ahlusunna weerar dhawr jiho ah ku qaadday Dhuusamareeb islamarkaana la wareegtay xaafado ka tirsan magaalada.

Ciidamada dowladda ayaa sida wararku sheegayaan xaafadaha qaar dib uga riixay xoogagga Ahlusunna inkastoo weli dagaalku socdo.

Sidoo kale weli lama hayo xogta rasmiga ah ee Khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac waxaana dhinac kasta sheeganayaan in uu isagu gacan-sarreeyo.

PUNTLAND POST

The post Xoogagga Ahlusunna oo qabsaday xaafado kamid ah magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this