Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Guuleed oo ka haray tartanka doorashada una tanaasulay CC Shakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Guuleed uu u tanaasulay islamarkaana taageeray hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay kasoo wada jeedaan beesha Habar-gidir.

Tallaabada uu qaaday Guuleed ayaa ku timid cadaadis xooggan oo kaga yimid siyaasiyiin iyo ganacsato kasoo jeeda beesha Habar-gidir, iyo xaqiiqda ah in ololihiisa doorasho uu ahaa mid aan saldhig adag laheyn.

Guuleed ayaa lagu warramay in tanaasulka ka sokow uu hadda si xooggan uga shaqeyn doono sidii uu taageero ugu raadin lahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo isaga naftiisa rajadiisa aysan sidaas u weyneyn.

Musharaxiinta ugu cadcad doorashada ayaa la rumeysan yahay inay kala yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre, mana cadda haddii tanaasulka Guuleed uu taas wax ka beddeli doono, sarena usoo qaadi doono Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sida ay fahansan tahay Caasimada Online, isbaheysiga Guuleed iyo Cabdiraxmaan ayaan waxaa inta badan qeyb ka aheyn xildhibaanada beesha Habargidir, oo badankood ah laf dhabarta ololaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, halka tiro faro ku tiris ahna ay kala raacsan yihiin Shariif iyo Farmaajo. 

Si kastaba, tanaasulka Guuleed wuxuu tusaale u noqon doonaa musharaxiin badan oo aan rajo laheyn balse caqabad ku noqon kara fursadaha musharaxiinta ku beesha ah, si gaar ahna kuwa beesha Abgaal.

Beesha Abgaal ayaa ah tan ugu musharaxiinta badan balse waxaa la rumeysan yahay inaysan intooda badan rajo laheyn marka laga reebo labadii madaxweyne ee hore ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed. 

The post Xog: Guuleed oo ka haray tartanka doorashada una tanaasulay CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this