Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Wefti ka socday Dalka Senegal.

Recommended Posts

Deeq A.   

M/weyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Wefti ka socday Dalka Senegal.

mb-3.jpg
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wefti ka socda xafiiska madaxweynaha dalka Senegal ee Galbeedka qaaradda Afrika, Mudane Macky Sall oo ah guddoomiyaha midowga Afrika (AU), kuwaas oo ay xubno ka yihiin Mohammamel habib Niang iyo Elhadji Abdoulaye Dia.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtoooyada, ayuu madaxweynuhu ugu horrayn xubnaha weftiga kaga guddoomay salaan iyo warqad muhiim ah oo ay ka sideen madaxweynaha Senegal, ahna guddoomiyaha midowga Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha weftiga ah uga mahadnaqay booqashadooda, waxana uu si qoto dheer ugu sharraxay horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaadday Jamhuuriyadda Somaliland, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, halka ay maanta marayso iyo hiigsiga qarannimo ee ay leedahay.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga u dhiibay warqad ku socda Madaxweynaha dalka Senegal, ahna gudoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Macky Sall, waxana kulanka Madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.
280524064_555609052592003_64341451393735

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this