Sign in to follow this  
Deeq A.

UK Oo Ogolaatay Inay Taageerto Sweden Iyo Finland Haddii La Soo Weeraro

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)- Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa balla-qaaday inuu Sweden iyo Finland ka taageeri doono khataraha ka iman kara Ruushka kadib markii uu booqasho ku tegay dalalka Sweden iyo Finland.

Dalalka Sweden iyo Finland oo aan xubno ka ahayn gaashanbuurta NATO ayaa waxa ay ka fikirayaan hadda inay ku biiraan isbahaysigaas.

Johnson oo ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabteen raysal wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson ayaa sheegay in nooca iyo inta ay leegtahay taageerada suurtagalka ah noqon doonto waxa ay Sweden weydiisan karto.

Waxana labada dhinac ay kala saxeexdeen heshiis amni, sidoo kale Johnson raysal wasaaraha UK heshiis kale ayuu la saxeexday madaxweynaha Finland Sauli Niinistö.

Heshiisyada labada dhinac waxay ballan-qaadayaan in haddii labada waddan ay la kulmaan weerar ama masiibo, ay markii ay ka codsadaan waddanka ay dhibaatadu saameysey ay midba midka kale ka caawin doonaan siyaabo kala duwan, oo ay ku jiri karaan hab millatari.

Ruushka ayaa ka digay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonta haddii Sweden iyo Finland ay ku biiraan gaashaanbuurta Nato.

Laakiin labada Sweden iyo Finland oo leh taariikh dheer oo dhexdhexaadnimo dagaal waxay arkeen taageerada dadweynaha ee ku biirista Nato oo sii kordheysa tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this