Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti ka socda Dalka Maraykanka Oo maanta soo gaadhay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafti ka socda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa maanta soo gaadhay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Waftiga oo la socday diyaaradaha Millitariga Maraykanka ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waftiga uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada Maraykanka ee saldhiggoodu yahay Jabbuuti, waxaana sidoo kale qayb ka ah Diblomaasiyiin Maraykan ah.

Waxaa la filayaa in ay la kulmi doonnaan Mas’uuliyiinta Somaliland, iyadoo sidoo kalana la filayo in ay booqan doonnaan Berbera oo uu ku yaallo saldhigga ciidanka ee Imaaraadka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this