Deeq A. Posted May 12, 2022 Dowladda Turkiga ayaa sii kordhinaysa cadaadiska ay hayso joogintaanka militariga Ruushka ee dalka Suuriya. Xukuumadda Turkiga ayaa go’aansatay in ay hawadeeda ka xirto diyaaradaha Ruushka ee u safraya waddanka Suuriya illaa bisha July ee sannadkan Turkigu ma sheegin sababta rasmiga ah ee ay tallaabadan u qaadeen waxaase la fahamsan yahay in Ruushka iyo Turkigu kala taageeraan dhinacyada ku dirirsan Suuriya. Tallaabadan ayaa durba saamayn ku yeelatay sahayda militari ee dawladda Ruushku ay gaarsiiso ciidamadeeda ku sugan Suuriya. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo qaadday tallaabo ka dhan ah Ruushka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites