Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in meesha laga saaray culayskii Soomaalidu kala kulmi jireen Acmaasha Xajka

Recommended Posts

Deeq A.   
AWQAAFTA.png?resize=1000%2C534&ssl=1

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in sannadkan meesha laga saaray culayskii dadka Soomaaliyeed kala kulmi jireen soo gudashada acmaasha Xajka islamarkaana wixi hadda ka danbeeya aysan culays la kulmi doonin.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya , Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in sanadkan kor loo qaadi doono howlaha gudashada Xajka si muwaaddiniinta Soomaaliyeed loogu fududeeyo acmaasha ay gudanayaan.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay maaddaama ay sanadihii lasoo dhaafay dib u dhacyo ku yimmaaddeen howlihii Xajka sababa la xiriiri xanuunka Corona Virus ay haatan doonayaan in sare loo qaado howlihii Xujeyda.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha  ayaa furtay Tartanka shirkadaha ku shaqada leh fududeynta howlaha Xajka Sanadkan 1443 oo waafaqsan 2022 kadib markii ay u saartay guddi gaar ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in meesha laga saaray culayskii Soomaalidu kala kulmi jireen Acmaasha Xajka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this