Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuu ahaa bartilmaameedka qaraxii Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture-1-2-750x430-1.jpg?resize=750%2C4

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faahfaahiyay qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay barta kantarool ee lagu hubiyo gaadiidka aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay qaraxaas lala beegsaday gaari uu saarnaa General lagu magacaabo Garabey oo ka tirsan ciidanka dowladda, balse uu ka badbaaday oo aysan waxba gaarin.

Sarkaalka ayaa marka weerarka lala beegsanay taagnaa barta kantarool, isagoo doonayay in uu ka dhoofo garoonka diyaaraha Aadan Cadde.

Afhayeenka Booliska ayaa xaqiijiyay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen 7 qof oo shacab ah, kuwaasi oo la geeyay dhaawacyadooda isbitaalo ku yaalla Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Warta-nabada ee gobolka Banaadir Seynab Maxamad Warsame (Xaabsey) ayaa maanta mar sii horreysay sheegtay in ay ka badbaaday qaraxan.

Qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo aaday, iyadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay, ayna socotay hadal jeedinta qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya doorshada Madaxweynaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Yuu ahaa bartilmaameedka qaraxii Muqdisho? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this