Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriyaha Al Jazeera ee toogashada lagu dilay  walaalkeed wuxuu ka shaqeynayay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Weriyaha Al Jazeera ee toogashada lagu dilay Shariin Abuu Caqiil walaalkeed wuxuu ka shaqeynayay Soomaaliya

Shariin Abuu Caqiil
Shariin Abuu Caqiil

Weriye ka tirsaneyd warbaahinta Al Jazeera ayaa la toogtay xilli ay kasoo warrameysay duullaan ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen dhulka la heysato ee Daanta Galbeed gaar ahaan deegaanka Jenin.

Wareysi uu teleefishinka Al Jazeera la yeeshay qaar kamid ah ehelka weriyaha la dilay ayaa sheegay in Shariin Abuu Caqiil walaalkeed uu ka tirsan yahay shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya isla markaana lagu wado in dib uu ugu laabto Falastiin xilli walaashii maanta la toogtay.

Shariin Abuu Caqiil ayaa waxaa toogtay ciidamada Israa’iil, sida ay sheegtay warbaahinta Aljazeera ee Qatar fadhigeedu yahay, Waxaana sidoo kale la toogtay weriye kale inkasta uu dhawaac soo gaaray.

Militeriga Israa’iil ayaa beeniyay inay ciidamadooda ay dileen weriyaha, balse ay kaliya ku waxyeeloowday iska hor imaad dhacay.

Waxay intaa ku dareen inay eegayaan “suurtagalnimada ah inay toogteen dabley Falastiiniyiin ah” xilliggii uu socday weerarka.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ayaa ku tilmaamay toogashada Shariin Abuu Caqiil “arrin naxdin leh” isla markaana ay bilaabanayaan baaritaan wadajir ah oo ay dhacdadan kala kaashanayaan mas’uuliyiinta Falastiin.

Dhanka kale, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Qadar Lolwah al-Khater ayaa sheegtay in Shariin Abuu Caqiil laga toogtay wajiga xilli ay xirneyd jaakadda iyo koofiyadda ay xirtaan weriyeyaasha ku sugan dhulka ay ka taagan yihiin colaadaha.

Shariin Abuu Caqiil ayaa lagu toogtay degmada Jinin
Shariin Abuu Caqiil ayaa lagu toogtay degmada Jinin

Shariin Abuu Caqiil oo muddo dheer wararka kasoo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa saakay si toos ah u tabinaysay iska hor imaad ay ciidamada Israa’iil ku lug lahaayeen oo ka dhacay halkaasi, waxaana la sheegay in ay rasaas kaga dhacday madaxa.

Waa weriye aad looga yaqaano Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ah weriyayaasha ugu saamaynta badan laanta Carabiga ee Aljazeer, waxayna halkaas ka shaqaynaysay muddo 15 sano ah.

Sida ay tabisay Aljazeera, wasiiradda arrimaha dibedda Qatar ayaa falka Israa’iil ku tilmaamtay fal argagixiso oo uu qaran maalgalinayo.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in Shariin Abuu Caqiil loo qaaday cisbitaalka xilli ay ku jirtay xaalad halis ah iyadoo markii dambe u dhimatay dhawaaca.

Wariye Nida Ibraahim oo ka tirsan Telefishinka Aljazeera ayaa sheegtay in Shariin ay ahayd “Saxafiyad aad loo ixtiraamo” waxayna sheegtay in toogashada weriyaha uu “naxdin ku yahay saxafiyiinta la shaqaynaysay.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa dhacay mowjado weeraro ah oo u dhexeeyay Carabta Israa’iliyiinta ah iyo shacabka Falastiin, waxaana weeraradaas ku dhintay 17 qof oo Israa’ili ah iyo 2 qof oo Falastiin ah.

Nin Soomaali ah ay isla soo shaqeeyeen

Maxamed Axmed Cabdullahi Goosaar oo ay isla soo shaqeeyeen Shiriin ayaa BBC u sheegay Shiireen ay aheyd qof oo furfuran isla markaana aan hadal badneyn.

“Waxay aheyd qof aan si dhow u aqaanay, qof deggan oo bashaash ayay aheyd oo badanaa dhoola cadeyn badan, ma aheyn qof hadal badan”

“Waxay aheyd weriye wararka soo tebiya iyo wararka kale sida arrimaha caafimaadka , ganacsiga, waxay ku caan aheyd inay si toos ah u tebiso goobaha wax ay ka dhacaan”

Ugu yaraan 26 falastiiniyiin ah ayaa la dilay – oo ay ku jiraan kuwa la toogtay iyaga oo qaadayay weeraro, ama mintidiin iyo dad rayid ah oo lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka geysatay Daanta Galbeed.

Israa’iil ayaa weerar ku qaaday degmada Jenin, halkaasoo ay ka yimaadeen afar ka mid ah falastiiniyiinta weerarka ka geystay Israa’iil.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this