Sign in to follow this  
Deeq A.

Marwadii hore ee Qaranka Xaawo Cabdi Samatar oo geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

Allah ha u naxariistee waxaa dalka Imaaraadka ku geeriyooday marwadii koowaad ee Qaranka Xaawo Cali Samtar oo aheyd marwaadii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumad Xaawo Cali Samatar.

“Alle Ha’unaxariisto oo janadii ha geeyo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd marwada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya , AHUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan tacsi u diraya dhammaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay, alle janadii ha geeyo marxuumada” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan Qoyskii iyo Umadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwada Madaxweynihii hore ee dalka marxuum Cabdullaahi Yuusuf.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Ra’iisul wasaarayaal hore ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marwadii koowaad ee qaranka Xaawo Cali Samtar.

PUNTLAND POST

The post Marwadii hore ee Qaranka Xaawo Cabdi Samatar oo geeriyootay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this