Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad duuli lahayd oo oo sabab yaab leh loo joojiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad duuli lahayd oo oo sabab yaab leh loo joojiyay

diyaarad.jpg

Duuliyaha kaxeynayay diyaaradda laga leeyahay Turkiga ee shirkadda duulimaadka ee AnadoluJet, ayaa hakad geliyay kaxeynta diyaaraddaasi kaddib markii rakaabka talefoonadooda loogu soo diray sawirro diyaarad burburtay ah.

Rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa la soo dejiyay, ayadoo dib loo baaray gebi ahaanba alaabtii saarnayd. Waxaa arrintan loo soo qabtay oo su’aalo laga weydiiyay dhowr dhalinyaro oo reer Israa’iil ah.

Diyaaradda AnadoluJet Boeing 737,oo ay saarnaayeen 160 rakaab, ayaa kici rabtay markii ay rakaabka ku wargeliyeen shaqaalaha in loo soo diray sawirada diyaarad burbursan, taas ayaana keentay in duuliyaha lagu war geliyo inuu dib ugu laabto tarminaalka garoonkaasi.

Warbaahinta The Hebrew Ynet ayaa ku soo warrantay in sawiradaasi dadka lagula wadaagay AirDrop, dhamaan sawiradana waxaa lagu soo diray telefoonka nooca Iphone.

Rakaabka ayaa lagu war geliyay inay raacaan diyaaraddaasi dib loo baaray oo ku wajahnayd Istanbul, ama inay isaga haraan Israel.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this