Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynuhu Doorasho laba shardi leh buu rabaa…..Maxamed Biixi Haaruun

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynuhu Doorasho laba shardi leh buu rabaa…..Maxamed Biixi Haaruun

haaruun.png

Muuse doorashada ma diidana. Ciladdu taas ma aha. Madaxweynuhu laba shardi doorasho leh buu rabaa – doorasho dhacda goorta uu isagu u arko in ay u haboontahay, iyo in uu abuuro cidda doorashadaas ka qayb gelaysa. Labadaas buu rabaa, raggu na wax kasta wuu rabi karaa. ‘Damac’ baa waxaas afsoomaaliga la gu dhahaa. Ta muhiimka ahi waxa weeye mid uun – Muuse waxa uu doonayaa ma u suuroobi karaan? Jawaabta su’aashan ayay wax badani ku xidhanyihiin. Mid na aan isla garanno, doodda ah kuwii hore ba in yar oo kordhis ah waa loo samayn jiray ee Muuse maxaa tiisa loo la yaabayaa ama loo diiddanyahay, oo aad u soo noqnoqota, waa dood hog-seeg ah, sababta ay u tahayna waa fududahay. Kuwii hore kordhis keliya ayay rabeen, laakiin Muuse kordhis keliya ma rabo. Isagu waxa uu si qorshaysan, oo qayaxan u abaabulayaa muddo kordhisasho iyo ta ka sii muhiimsan oo ah in uu xisbiyada haatan jira saaxadda ka saaro, waana la is ogyahay. Dabcan taas isaga iyo cid kale toona ma yeesheen, hadii se uu yeelsiin karo waa u furantahay. Koleyba anigu dadka taageeri doona ayaa ku jiraa hadii uu intaas oo dhan marsiisto. Igaba dhan

Waxa Qoray Maxamed Biixi Haaruun

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this